7 dal oo aad fiiso la’aan ku tagi karto marka ay Soomaaliya dhameystirto shuruudaha ku biirista EAC

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soomaliya ayaa la aqbalay inay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika ka dib shir madaxeedki 23-aad ee Madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalad Carusha ee dalka Tansaaniya.

Dawladda Soomaaliy ayaa sheegtay in dhamaan xuquuqaha iyo faa;iidooyinka ay leedahay dalladaan ay Soomaaliya heli doonto si lamid ah dhamaan wadamada kale ee xubnaha ka ah. Waxaa kamid ah faa’iidooyinkaas baasaboorka ka wada dhaxeeya wadamada ee dhamaan muwaadiniintu aysan dalku-gal u baahanayn.

Geediga ku biirista dalladan EAC ayey Soomaaliya soo bilowday sanado ka hor, markii saddexaad ee ay codsatay ku biirista ururkaan ayaa la aqbalay ugu dambayn.

Sida ku cad qodobka 104 ee heshiiska, Dawladaha wadaaga ahi waxay ku heshiiyeen inay qaataan tillaabooyin lagu gaadhayo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, shaqada iyo adeegyada kale.

Crédit: Lien source

Les commentaires sont fermés.