Maxay tahay sababta Cabdixaafid looga reebay ciyaartoyda galabta ka hortagaya Niger?

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa galabta kulan saaxiibtinimo la ciyaaraya dhiggooda dalka Niger, iyadoo uu noqonayo kulankoodii ugu horreeyay kadib safarkii ay ku tageen dalka Morocco.

Xulka qaranka ayaa dhowaanahan kujiray diyaar garow xooggan oo ku aaddan is reeb rebka Koobka Adduunka, walow kulamo kale ay ciyaari doonaan.

Kulanka fiidnimada maanta ayaa soo geli doona 6:30 fiidnimo, waqtiga Geeska Afrika isla markaana xilliga dalka Morocco ay ku beegantahay 4:20 galabnimo.

Waxaa jirta hadal heyn badan oo ku aaddan in liiska ciyaartoyda galabta kasoo muuqday safka aysan kamid ahayn dhowr ciyaariyahan oo qaar kamida loogu han weynaa in ay kasoo muuqan doonaan kulamada ugu horreeya ee xulka qaranka.

Crédit: Lien source

Les commentaires sont fermés.